DHAGEYSO:- Gudoomiye Cawad ” Waxaa jira dad ku Faraxsan Qaraxyada iyo Weerarad Al-Shabaab ay ku laayaan dadka rayidka”..

0

Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortago Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan dalka.

Waxa uu tilmaamay in Weerararaasi iyo Qaraxyada ay geysanaya in ay ku farxaan dad badan oo aan jecleyn hormarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in laga hortago.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqy in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loogu guuleysto Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan dalka.

Shalay ayay ahayd markii Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ay gaareen Magaalada Gaalkacyo oo dhawaan ay ka dhaceen Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Dhageyso Codka:-