DHAGEYSO:- Gudoomiye C/rashiid Gooni “ Qaxootiga ka soo noqonaya Dalka Kenya Waxa ay qatar ku yihiin amaanka guud ee deegaanada Jubbaland”..

0

Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Cali Gooni ayaa sheegay in Qaxootiga laga soo celinayo Kenya ee imaanaya deegaanada Jubbaland ay qatar ku noqon karaan amaanka guud ee deegaanadooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaxootigaasi ay ku jiri karaan dhalinyaro heysta ama aaminsan fikirka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in ilgaar ah lagu eego qaxootiga ka soo laabanaya dalka Kenya si loo xoojiyo amaanka guud ee deegaanada Jubbaland ay maamusho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-