DHAGEYSO:- Hay’ada UNHCR “1,200 oo Qaxooti Soomaali ah ayaan maanta soo celinay”..

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ka soo qaaday 1,200 oo Qof oo Qaxooti Soomaali ah, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee ah Qaxooti hal maalin iskood dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dadkaas ayaa intooda badan dhulka sii mari doona, iyagoo Basas Hay’addu kiraysay ku tagaya Dhoobley, halkaas oo ay safar dhulka ah ka sii galayaan, halka tiro aan sidaa u sii badnaynna ay diyaarado soo raacayaan raacayaan.

Qaxootigana ayaa ku wajahan Gobollada Jubbada Hoose, Gedo, Bay iyo Banaadir, waxaana Qaxootiga qaar ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo laabtaan dalkooda.

Dhowaan ayay aheyd markii maamulka Jubbaland uu sheegay Qaxootiga ku soo laabanaya Deegaanada Jubbaland in ay amni daro abuuri karaan, maadaama Shabaab laga yaabo in ay ku soo kor gambadaan Qaxootiga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-