DHAGEYSO:- Howlgallo laga sameeyay Buur-hakaba iyo dad badan oo lagu soo qabtay

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Howlgallada ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii weeraro kala duwan ay ka dhaceen degmadaasi Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Maxamed C/nuur Maxamed ayaa sheegay in howlgallada tiro dad ah lagu soo qab qabtay, sidoo kalena baaritaano lagu sameyn doono.

Buurhakaba ayaa nawaaxigeeda waxaa weli ku sugan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo weeraro kala duwan halkaas ku soo qaada.

Inta badan howlgallada laga sameeyo degmada Buurhakaba ayaa mararka qaar saameyn ku yeesha shacabka deegaanadaas oo aan wax lug ah ku lahayn falalka amni daro.

Hoos ka Dhageyso Codka:-