DHAGEYSO:- Labo Qof Oo Ku Geeriyootay Bam Gacmeed Lagu Tuuray Goob Uu Dab Ka Kacay eek u taalla Muqdisho

0

Laba qof oo dad rayad ah ayaa ku geeriyootay Bam-gacmeed Galabta lagu tuuray Goobo ganacsi oo uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay goobo ganacsi oo uu dab qabsaday ay damiyeen Kooxaha Dabdamiska Gobalka Banaadir.

Col Bishaar ayaa xusay in markii dabka la damiyay kadib Bam-Gacmeed lagu tuuray Goobtii uu dabku ka kacay, halkaasina ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Bamku wuxuu dhacay kadib markii dabka ladamiyay, magaraneyno bartilmaameedkooda, laakin kooxaha argagixisada ayaa ku caanbaxay leynta iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed”Ayuu yiri Col Bishaar.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Gobalka Banaadir Cabdullaahi Maxamed Cabdulle “Saney” ayaa sheegay in ay damiyeen dab baabi’iyay illaa Todobo Tukaan oo isugu jiro goobo lagu iibiyo Qalabka Elaktarooniga, Bagaashka iyo Goob Shidaal oo aad ugu dhaweyd.

Saney ayaa tilmaamay in la baarayo Sababta uu ka dhashay dabka, balse loo maleynayo uu ka billowday Koronta ka kacday dukaanka lagu iibiyo qalabka elektaroonigga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-