DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Banaadir “ Ma aqbali doono in Xilliyada Habeenkii ah dhac loo geysto Shacabka gobolka, Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa lagula Xisaabtamaya xilka ayaana laga qaadayaa”..

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in xilliyada Habeenkii ah la baarto dadka shacabka ah ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyeyaasha degmooyinka lagula Xisaabtamayo sugida amniga guud ee Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-