DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo amray in Jawaab laga bixiyo Weerarkii SYL

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyda Soomaaliya, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen 10 Qof halka dad ku dhow 50 ay ku dhaawacmeen.

Xilliga weerarka lagu qaadayay Hotelka SYL ayaa waxaa ka socday shir looga hadlayay amniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

C/fataax Cumar Xalane oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid shacabka lagu argagax gelinayo, waxaana uu tilmaamay in la gaaray waqtigii Shabaab Dalka laga saari lahaa.

Wuxuu sheegay in Afhayeenka in ciidanka Amniga laga doonayo in ay ka bixiyaan Jawaab deg deg ah oo ku aadan weerarkan, isagoo shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga hortago weerarada Shabaab.

Al-shabaab oo war qoraal ah ku soo qoray baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO