DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya oo ka wada hadlay Arrimo la Xiriira amniga

0

Iyadoo shalay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/Rashiid C/Nuur Janan uu gaaray degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxa uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo saraakiil ciidan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo sidii la isaga kaashan lahaa Dagaalka Shabaab.

C/rashiid Janan ayaa wuxuu sheegay in Shabaab ay halis ku yihiin amniga Labada dal, waxaana uu tilmaamay in Kenya ay kala hadleen sidii dagaalka Shabaab hal meel looga soo wada jeesan lahaa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kulankan ay la qaateen Mas’uuliyiinta Jubbland muhiimadiisa ugu weyn uu yahay sidii Al-shabaab gacan bir ah loogu qaban lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-