DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Dagaal ka dhacay gobolka Gedo

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidanka Maamulka Jubbaland iyo koox Maleeshiyaad ah ayaa maanta ka dhacay Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana Dagaalkaas ku dhimatay 2 Qof halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska hor’imaadka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Jubbaland ay weerareen Guri ay isku uruursadeen Maleeshiyadan, kuwaas oo diidanaa sida maamulka Degmada uu hawsha u wado.

Dagaalkan labada dhinac dhexmaray ayaa la sheegay in uu daba socdo israsaaseyn xalay ka dhacday Degmada Beled-xaawo taas oo dhexmartay koox Maleeshiyaad ah iyo ciidanka maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad hubeysan oo amni daro ka waday Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay Dagaalkan ay ku qaadeen Maleeshiyaadka in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen, halka sidoo kalena uu sheegay in 8 nin oo Maleeshiyadan ah ay nolosha ku qabteen oo ay xabsiga u taxaabeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-