DHAGEYSO:- Maamulka Magaalada Gaalkacyo oo Codsaday in Gurmad loo fidiyo dadkii ku waxyeelobay Qaraxyadii ka dhacay Magaaladaasi

0

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa codsaday gurmad dheeraad ah oo ku aadan sidee loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in dadka kunool Gaalkacyo ay u baahan yihiin in la caawiyo .

Tumay ayaa sheegay in isbitaalkii Gaalkacyo uu ku burburay Qaraxyadii ka dhacay magaalada , sidaas darteedna bulshada kunool Gaalkacyo looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Sheegay in goobihii ay ku shaqeysan jiray bulshada dan yarta ah ee kunool Gaalkacyo ay burbureen .

Waxaa uu codsi u jeediyay maamulka Puntland iyo sidoo kale shacabka kunool gobolka Mudug oo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska goobihii ku burburay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO