DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dib loo furayo Maktabadii Qaranka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in dib loo furi doono maktabadii qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dadka Soomaaliyeed  ay helaan Maktabad , taasoo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doono sidii dib loogu soo celi lahaa Maktabadii Qaranka oo ku burburtay dagaaladii sookeeye ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe lagu balaarinayo Maktabadaha ku yaala dalka iyo dibadiisa, isagoo intaa ku daray dowladda arimahan oo kale ay aad u taageereyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  shalay soo xiray Bandhig Carweedka Buugaagta oo Muqdisho ka socday saddex maalin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-