DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliyaoo ka hadlay Caqabadaha hortaagan dalalka Qaarada Afrika

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto ay hubaal tahay in nolosha dadyowga ay wax badan ka beddeli karto.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka hadlay Caqabada hortaagan Qaarada Afrika.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daauud Aweys ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si gaara ah uga hadlay caqabadaha hortaagan qaarada Afrika.

Hoos ka Dhageyso Codka:-