DHAGEYSO:- Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo sheegay in aysan fara gelin ku sameyn doonin Odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee Xildhibaanada soo xulayo ay u madax banaaneynayaan howlahooda.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin fara gelin ay ku sameynayaan odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub.

Waxa uu sheegay in Madaxda Galmudug aysan rabin isla markaana aysan ahayn xil doon balse ay ku dadaalayaan sidii Cadaalad loogu soo xuli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee deegaanada Galmudug.

Siyaasiyiinta qaar ayaa dhaliilsan qaabka ay shaqada u wajahayaan Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ee soo xulayo Xildhibaanada Baalamaanka Cusub, waxa ayna siyaasiyiinta qaar ku doodayaan in ay suurta gal tahay in shaqadooda fara gelin lagu sameeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-