DHAGEYSO:- Midowga Afrika oo ka hortagaya weerarada Al-Shabaab xilliga Doorashada ay Soomaaliya ka dhaceyso

0

Kulan ay isugu yimaadeen saraakiil ka socota AMISOM, xafiiska Midowga Afrika iyo xubno kale ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayay amniga xilliga ay dhaceyso Doorashada Bilaha soo socda ee September iyo October.

Ku xigeenka Ergeyga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan  Lydia Anuoto ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in laga hortago in ururka Al-shabaab caqabad amni aysan ku noqon Doorashooyinka lagu wado Soomaaliya in ay ka dhacaan.

Taliyaha ciidanka AMISOM Osman Nor Subagle ayaa sheegay hadii ay yihiin ciidanka AMISOM in ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga Muqdisho iyo goobaha kale ee Doorashadu ay ku dhaceyso.

Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay carqaladeeyaan goobaha la filayo in ay ka dhacdo Doorashada ee magaalada Muqdishi iyo gobolada dalka.