DHAGEYSO:- Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo ka soo horjeestay Amar dhawaan ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

0

Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay Amar dhawaan ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa dhawaan soo saaray amar ah in Hoteelada ku yaalla Gobolka Hiiraan aan lagu qaban Karin Shir uusan Maamulka gobolka ogeyn.

Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin go’aanka ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxa ay tilmaameen in ay xaq u leeyihiin in ay kulmaan kana tashadaan danahooda gaarka ah iyo Aayaha gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codadka Odayaasha iyo Waxgaradka:-