DHAGEYSO:- Puntland oo mar kale soo saartay amaro Cusub iyo Siyaasiyiin ka soo horjeesatay

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar C/laahi Camey ayaa ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka Al-shabaab si looga hortago falalka lidiga ku ah ee ay mararka qaar ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada in looga  baahan yahay in ay u midoobaan la dagaalanka Shabaab, si Shabab looga guuleysto.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey ayaa sidoo kale wuxuu sheegay ahmiyada ugu weyn ee shabaab looga guuleysan karo in ay tahay in Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ay iskaashi sameeyaan.

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Qarax lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka horee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas ku dhintay tiro ka badan 20 Qof halka in ka badan 30 Qof ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-