DHAGEYSO:- Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Sweden oo xaalad adag ay soo wajahday

0

Xeerarka magangelyo doonka ee la adkeeyey ayaa horseeday welwel iyo khilaaf ka dhaca xeryaha soo galootigu ku dhaqan yihiin ee ku yaala dalka Sweden oo ay ku jiraan Soomaali, sida ay sheegeen Hay’adda socdaalka iyo maamulada shirkadaha gacanta ku haya xeryaha soo-galootiga.

Kowdii Bishan june ayuu hirgelay xeer ay soo galootigu diidmada dalabaadkoodii ay ku waayeyaan oo ay ka mid yihiin Hooy iyo Dhaqaalihii taageerada ee la siin jirey.

Milkiilaha dhowr xeryo Qaxooti ee ku yaala dalka Sweden Bert Karlsson ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo xeerarka lagu adkeeyey soo galootiga, isagoo sheegay in xeryaha soo galootiga ay arintan ku abuurtay xaalad wel wel ah iyo khilaaf.

Sverker Spaak oo ah sarkaal ka howlgala Hay’adda socdaalka ayaa sheegay in 1,500 oo ruux ay ka mid yihiin Soomaali xerooyinkaas mudo fog ku jiray.

Soomaalida lagu adkeeyay shuruucda ayaa la sheegay in ay go’aansadeen sidii ay wadankooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-