DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxa ka tirsan UNDP iyo Arrimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

0

Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kulan la qaaday madax ka tirsan UNDP oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka iyo ammaanka Soomaaliya.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisulwasaaraha dalka iyo sidoo kale Madaxda UNDP ayaa sidoo kale looga hadlay ammaanka Soomaaliya , gaar ahaan xilliyada doorashada.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte oo  kulanka ka dib  la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in laga hadlay arimaha doorashooyinka , islamarkaana Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu warbixin guud ka siiyay xaalada Soomaaaliya Madaxda Hay’adda UNDP.

Wasiir Ceynte ayaa sidoo kale sheegay in Madaxa UNDP iyo Ra’iisulwasaare Sharmaake ay ka wada hadleen arimaha horumarinta dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay markii ugu horeysay Madaxa UNDP ay soo gaarto dalka .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  shalay kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-