DHAGEYSO:- Shir deg deg ah oo amniga loogu hadlay oo Xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay iyo qorshe amniga lagu sugayo oo la soo saaray

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Kulan deg deg ah waxa uu maanta la yeeshay dhamaan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay amaanka guud ee degmooyinka iyo sidii loogu hortagi lahaa Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa gudoomiyeyaasha u sheegay in lagula Xisaabtamayo amaanka degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka intii uu socday si adag loogu hadlay sugida amniga Muqdisho.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay labo Qarax oo mid ka mid ah uu xigay Weerar toos ah oo saacado badan qaatay.

Labadii qarax ee Muqdisho ka dhacay waxaa Masuuliyadooda sheegtay Al-Shabaab, Waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka:-