DHAGEYSO:- Shirka Odayaasha Dhaqanka oo ka furmaya Magaalada Cadaado iyo Guddiga doorashooyinka oo tagaya Maalinta Axada

0

Iyadoo maalinta sabtida ah lagu wado in magaalada cadaado uu ka furmo shirka Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya Baarlmaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa magaaladaasi ku sii qul qulaya Ergooyinka soo xuli lahaa xubnahaasi.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in Ergooyinka ay ku soo qul qulayaan magaalada Cadaado si ay uga qeyb galaan soo xulista xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub.

Wuxuu sheegay in maamulka Galmudug laga doonayo in ay si deg deg ah ugu soo diyaar garoobaan Doorashooyinka, sidoo kalena Doorashadan ay ka duwan tahay kuwii hore.

Maalinta Axada ah ayaa la filayaa in magaalada Cadaado ay gaaraan Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka si ay u kormeeraan sida ay howlaha u socdaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-