DHAGEYSO:- Suldaan Mowliid oo ka hadlay Arrimo u qarsanaa Madaxweynaha Somaliland iyo kana Jawaabay Eedeymo loo jeediyay

0

Suldaan Mowliid oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa ka jawaabay eedeymo ay u jeediyeen qaar ka mid ah Odayaasha iyo Nabadoonada ku nool Waqooyiga Magaalada Hargeysa.

Suldaan Mowliid ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin Eedeymaha loo jeedinayo isla markaana ay yihiin kuwa iska sheeg ah oo aan waxbo ka jirin.

Waxa uu ugu baaqay in ay wax iska hubiyaan inta aysan qof eedeyn ama aysan ka hadlin Warbaahinta.

Waxa uu shacabka gobolka Awdal iyo kuwa Somaliland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan iney ka qeyb galaan Cod bixinta doorashooyinka Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa id ee Suldaanka:-