DHAGEYSO WARBIXIN:- 1,579 Ardayda oo Maanta ka qalin Jibisay Jaamacada Soomaaliya

0

Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay Xaflad ay ku qalin jibinaayeen 1579 Arday oo dhameystay Waxbarashada heerka Koowaad ee Jaamacada Soomaaliya ee ku taalla Muqdisho.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir iyo Xubno ka socdayUrurada bulshada rayidka.

Ardayda Maanta qalin jibisay Waxaa ka mid ahaa ku dhawaad 30 Wariye oo ka shaqeeya Warbaahinta Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Golaha sare ee Jaamacada Soomaaliya ayaa Xaflada ka sheegay in Arda fara badan ay si lacag la’aan ah wax ku baraan kuwaasi oo qaarkood Maanta qalin jibinaya.

Xaflada waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxayna bogaadiyeen dadaalka Macalinmiinta iyo Maamulka Jaamacada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Xaamud Cali Xasan ayaa si wadajir ah ugu Hambalyeeyay Ardayda Maanta qalin jibineysa.

Ra’isal Wasaare ku Xigeenka dalka Maxamed Cuymar Carte ayaa sheegay in Dowladda ay ku dadaaleyso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa Ardayda ka soo qalin jibineysa Jaamacada Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-