DHAGEYSO WAREYSI:- Cali Khaliif Galeyr oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay, Soona bandhigay Sir u qarsooneyd Madaxweynaha Soomaaliya

0

Cali Khaliif  Galleyr Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Muqdisho ayaa sheegay in sida ay wax ku socdan marka loo eego aysan dalka Doorasho ka dhici Karin, iska daa in ay Doorasho Dhacdee waxa uu yiri Madaxweyne Gelleyr waxaa laga yaabaa in Ammaanka uu faraha ka sii baxo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegay in Rajo xumo weyn ay gelisay weeraradii Bilihii u dambeeyay ka dhacayay Hoteelada Magaalada Muqdisho , ee lagu beegsaday Xildhibaanno iyo Wasiiro isagoo carabka ku adkeyay in weeraradaas aysan Al Shabaab kaliya geysan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cali Khaliif Galleyr ayaa ku nuux nuuxsaday in meelaha ay wax ka dhacaan iyadoo baaris iyo  dabagal  lagu helo cadeymo dadku ay ku qancaan aan la soo bandhigin meesha looga tago.

Dhinaca kale Mr Cali Khaliif Galleyr ayaa cod dheer ku sheegay in marxaladda haddda dalku marayo tahay markii ugu darneed abid isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya mudada uu  Madaxweyne Xasan Sheekh Majaraha u hayo mar ay ka liidato aysan soo marin sida uu yiri.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-