DHAGEYSO WAREYSI:- Wadooyinka ugu Muhiimsan ee Muqdisho oo Xeran

0

Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo ay ka mid yihiin isgoysyada Soobe iyo Banaadir ayaa saakay Xiran sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay la soo dhoobay isgoysyadaasi waxaana ay celinayaan dadka shacabka ah iyo sidoo kale Gadiidka dad weynaha .

Sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya la sheegaya in ay baarayaan qaar ka mid ah gawaarida Raaxada.

Gawaarida  dad weynaha ayaa la sheegaya in ay isticmaalayaan wadooyinka jid cadka ah sida uu Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Sababaha loo xiray Wadooyinka Muqdisho ayaa la sheegaya in ay tahay meydka General Maxamed Cali Samatar oo lagu wado in saacadaha soo socda laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-