DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Maamulka Galmudug oo Jawaab kulul ka bixiyay Hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Puntland

0

Iyadoo Wali Xiisado Dhawr Mar ku soo Laab Laabtay Gaalkacyo una Dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland aan wali laga Gaarin Heshiis Dhab ah oo Shacabku ay ku Wada Noolaadan aya Wali waxa soo Baxaya Edeymo Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ay u Jeedinayaan Dowlada Galmudug oo ay ku Tilmaamayan in Falalka Waqooyiga Gaalkacyo ka Tagan ay ka Danbeeyaan ama ay lug ku Leeyihin Dowlada Galmudug.

Edeymahaasi oo intooda Badan uu jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ina Camey aya waxa arintaasi ka Jawaabay Wasiiro ka Tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku tilmaamay in uu abuurayo dhibaato iyo Xasarad lagu dhax Beerayo Shacabka Labada dhinc.

Wasiirka Dib u Heshisiinta Dowlad Gobaledka Galmudug mudane Cismaan Maxamed Cali oo ku Sugan Gaalkacyo ayaa Waraysi Gaar ah siiyay Warbaahinta waxana uu ka Jawaabay Hadalo ka soo baxay Puntland isagoona Wasiirku shegay in Shaqsiga uu u Hadlay Puntland uusanba Heysan Kalsoonida Deganada uu ka soo jeedo ,loogana Bahan yhy in Dadkiisa uu mideeyo Ugu horeen.

”Waxaan Dhagaystay Hadal uu saxaafada Siiyay ina Camey Waxan Oran lahaa Dadka Buuhoodle iyo Laascaanood Dagan aya kaga Baahan in aad wax u Qabato , Reer Mudug uma Baahna Colaada aad Hurinayso Mudugna waa Magaalo Dadkeedana leh ” Sidaa Waxaa Yiri Wasiirka Dib u Heshisinta Dowlada Galmudug.

Waxa uu soo hadal Qaaday Sababaha ilaa iyo hada heshiis Dhab ah looga Gaari la,yhay Xisadaha Gaalkacyo ku soo Laab laabta waxaana uu shaaca ka qaaday in Puntland aysan Diyaar u ahayn in Nabada Gaalakcyo ay waaarto.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA