DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Siyaasi ka soo jeeda Puntland oo ka hadlay danta laga leeyahay xiisada Gaalkacyo ee madaxda ay hurinayaan

0

Siyaasi Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf (Yeey) oo kamid ahaa Musharaxiintii u tartantay Madaxweyne-nimada Dowlad Goboleedka Puntland sanadkii 2014-kii, kana soo jeeda gobalka Mudug ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Mr, Yeey oo  ayaa ku sifeeyey waxyaabaha ka socda Gaalkacyo, kuwa laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed lana doonayo in Is hor istaag lagu sameeyo doorashooyinka dalka loo qorsheeyey in ay ka dhacaan.

Siyaasigan wuxuu tilmaamay in aysan Puntland cidnana marti uga ahaaneyn sugida Amaankeeda, go’aamadii soo baxayna ay yihiin kuwa yimid xili loo baahnaa, wuxuuna kaloo cadeeyey in cidii leh dano kale ay ka murmi karto, laakiin go’aamadan ay yihiin kuwa dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO