DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo taageeray qorshaha Musharaxa Donald Trump

0

Ganacsadaha Soomaaliyeed Ee Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya iyo Bohol Soomaalida kusii dhaceyso.

Waxa uu sheegay ugu horeysan Xaajiga in Afgembigii lagu sameeyey Dawladii Siyaad Barre aan laga dhaxlin wax fiican oo badelkeeda dawladaasi ay yimaadeen kuwo kale oo aan wanaagsaneyn.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa iska bari yeelay inuu taageero uyahay Ururka Al Shabaab isagoo xitaa soo bandhigay inuu ku deg degay taageeradii uu Maxaakiimta Islaamka usameeyey maadama uu ku sheegay in dad diinta daacad ka ah aysan aheyn sida uu hadalka udhigay.

Beenta iyo Xanta ayuu Abuukar Cumar Cadaan sheegay inay tahay waxa diinta looga fogaaday oo Nabad iyo Neecaaw Soomaaliya inay ka dhacdo udiiday.

Wareysiga Abuukar Cumar Cadaan ayaa sidoo kale kusoo hadal qaaday Sida galaangalka Itoobiya ugu dhex leedahay Soomaaliya oo Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada ugu sii cararaan mar kasta Itoobiya oo looga wacayo.

Ugu dambeyn Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo sheegay inuu ku jiro waqtigii dhimashada uu udhawaa maadaama da’ uu noqday ayuu sheegay in Gaalada laga fogaado islaamkuna ay isku xirnaadaan,waxa uu sheegay inuu la dhacay hadalkii Trump ee Islaam naceybkiisa kusoo bandhigay sidaa awgeedna Soomaalida iyo  Islaamka unacaan Gaalada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-