DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Maamulka Ahlusunna oo beeniyay in sargaal ka tirsan uu isku dhiibay Galmudug

0

Maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Ahlusunna uu maanta isku dhiibay maamulka Galmudug.

Taliyaha Hay’adda Nabad suggida maamulka Ahlusunna Cabdulaahi Cabdi Raage ayaa sheegay in ay yihiin wax kama jiraan wararka sheegaya in sargaal ka tirsan maamulka Ahlusunna uu isku dhiibay maamulka Galmudug.

Cabdulaahi Cabdi Raage ayaa sidoo kale dafiray in sarkaalkaasi uu ka tirsanaa maamulka Gobolada Dhexe.

Waxa uu sheegay in uu ka tirsanaan jiray maamulka hore Ahlusunna ee qaarkood ay ku biireen maamulka Galmudug.

Sarkaalka Isdhiibay ayaa lagu magacaabaa  C/risaaq Cali Tubaako , waxaana la sheegaya in uu wato koox ciidamo ah oo ka soo goostay maamulka Ahlusuna sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug.

C/risaaq Cali Tubaako ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Maamulka Ahlusuna ayaa ka taliya qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Galgaduud , waxaana ay  kasoo horjeedaan maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:-