DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga “ Amniga Masuuliyiinta Hoteelada degan waxaa Masuul ka ah Milkiilayaasha Hoteelada”..

0

Wasiirka Wasaarada  Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya  Cabdirisaaq  Cumar Maxamed oo ka hadlay ammaanka Hotelada Muqdisho, ayaa sheegay hadii Maamulka Hoteelada aysan xaqiijin karin ammaanka dadka isugu imaanaayo Hoteelada in aanan loo baahneyn inuu sii furnaado Hoteeladaasi.

Waxa uu sheegay dhibaatada amni ee ka dhacda Hoteelada Muqdisho kaliya inaanan dusha loo saari karin Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse qayb ka mid ah dhaliisha ay leeyihiin masuuliyiinta Hoteelada.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay masuuliyada amniga Hotelada inay saaran tahay dadka Milkiilayaasha oo looga baahan yahay inay sameystaan ciidamo gaar ah oo amniga Hoteladooda xaqiijiya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Milkiilayaasha Hotelada in ay ka taxadaraan dadka ku shiraaya hoteelada Amnigooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-