DHAGEYSO:- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya “Dadka qaba dhaawacyada halista dalka dibadiisa ayaa loo qaadayaa”..

0

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday dadka dhaawacyadooda halista yihiin ee ku waxyeeloobay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay.

“Dadka dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa waxba looga qaban karin waxaa isku dayaynaa in dalka dibadiisa loo qaado, wixii awooda dowladda ahna ee gargaarka dadkaas ma hagran doono”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Hoos ka Dhageyso Codka:-