DHAGEYSO:- Wasiiro iyo Xildhibaano Arrin halis ku ah Cali Khaliif Galeyr kaga dhawaaqay Magaalada Buuhoodle

0

Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa loogu dhawaaqay Isbaheysi isbedel doon ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr.

Isbaheysigaasi ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Khaatumo oo dhaliilsan Siyaasada Madaxweynaha Khaatumo State.

Isbaheysigaan oo ay ku jiraan Siyaasiyiin Caan ah ayaa waxa ay ka soo horjeedaan wada hadalada u socda Maamulada Somaliland iyo Khaatumo State ee uu ogolaaday Madaxweynaha Khaatumo State.

Sidoo kale Xildhibaanadaan iyo Wasiiradaan ka tirsan Maamulka Khaatumo State ayaa ka soo horjeestay in Maamulka Somaliland ay diiwaan gelin ka bilowdo gobolada Sool iyo Sanaag.

Hoos ka Dhageyso Codadka Wasiirada iyo Xildhibaanada:-