DHAGEYSO XASAASI AH:- Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo Cadaadis la kulmaya iyo Culimada Soomaaliyeed oo..

0

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa haatan waxa ay la kulmayaan Cadaadis Xoogan oo kaga imaanaya dad aan dawlada katirsaneyn.

Shaqada Golaha Xukuumada Dalka ayaa la sheegay in ay qeyb hadda kadib ka noqon doonaan Culimada Soomaaliyeed si loo turxaan bixiyo Sharciyada ay meel marinayaan.

Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey Shir Saxaafadeed lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay inaysan weli ka laaban go’aankoodii ahaa in deg deg wax looga badelo Sharciga Jinsiga oo qodobo diinta Islaamka ka hor imaanaya ay ku jiraan.

Waxa uu Sheekh Bashiir sheegay in Xukuumada Soomaaliya Madax katirsan oo kulan dhexmaray ay ka ogoleysiiyeen ka hor sharciyada Xukuumadu meel marineyso in Culimada laga talo geliyo oo looga saaro waxa dhaawaca ukeeni kara Diinta Islaamka.

HALKAAN KA DHAGEYSO