DHAGEYSO XASAASI:- Cabdi Qeybdiid oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay arin layaab leh sheegayna in Puntland la Edbin doono

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay warbaahinta Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay wado Daandaansi dagaal,balse loo baahan yahay in la iska dhiciyo.

Qeybdiid ayaa sheegay in Sanad waliba ay Puntland u Xiisto Dharbaaxo ay ku dhuftaan Wiilasha Galmudug islamarkaana ay joogaan Wiilashii Edbin jiray.

 

Waxaana Qeybdiid uu sheegay in Reer Gaalkacyo isagu uu yaqaanno reer Mudug Waqooyi iyo Koofur meel kasta ay ka degan yihiin islamarkaan uu ka dhexeeyo cilaaqaad Ganacsi iyo xiriir dhinac weliba leh sidaas daraadeed ay Nabadda ka wada shaqeeyaan.

Mar uu ka hadlayay Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Go’aan ay soo saareen Maamul Goboleedka Puntland oo ku aadan in Gaadiidka Koofurta Gaalkacyo ka yimaadan aysan soo gali Karin Waqooyiga Magaaladaasi ayuu sheegay  in taas ay ka haboontahay in Puntland waxa ay tabaneyso ay kala hadasho Madaxda maamulka Galmudug.

Wixii ka dambeeyay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo maamulka Puntland ayaa muujinayay foojignaan dheeri ah iyagoona soo saaray awaamiir ay sheegeen in ay wax ku ool u noqonayaan Nabad gelyada deegaanada Puntland.

Inta badan marka ay falal amni darro ka dhacaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Maamulka Puntland ayaa soo saara dhaleeceenno la xiriira in Dhinaca Galmudug ee Koofurta Magaaladaasi Gaalkacyo laga soo agaasimay.

HALKAAN KA DHAGEYSO