DHAGEYSO XASAASI:- Dowlada Soomaaliya oo Jaamacado Caan ah ku hanjabtay inay xereyso

0

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/Qaadir Cabdi Xaashi oo ka hadlayay Shirka Sanadlaha ah ee midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda ay ruqsadda shaqo kala laabaneyso Jaamacadaha ku yaalla dalka ee ay hooseyso tayadooda waxbarasho.

Wasiirku,waxaa uu talo ku siiyay Jaamacadaha in si ay wanaagsanaato tayuada Waxbarashada ay Jaamacadaha midoobaan islamarkaana isugu tagaan Koox koox.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay Shahaadada kala laaban karto Jaamacadaha ka jira dalka haddii ay u arkaan in aysan wanaagsaneyn tayadooda waxbarasho.

Inta ay iyaga xilka hayaan ayuu sheegay in ay isku dayi doonaan in jaamacadaha ay isku xirkooda iyo waxbarashadoodu hagaagto,waxaana uu ku sheegay in ay haddaba hayaan Jaamacad kasta Kulliyadaha ay heyso,Macallimiinta,Maktabadda iyi dhaqaalaha ahaan heerka ay gaarsiisan tahay,isaga oo ku daray in Wasiirka isaga ka dambeeya uu ruqsadaha kala laaban doono Jaamacadaha tayo ahaan liita haddiiba ay isaga dhaafaan.

Jaamcadaha ku yaalla Gobollada Dalka ayuu sheegay in ay Wasaaraddu ka warheyso lana socoto dhaq dhaqaaqyadooda waxbarasho ee ay ka wadaan inta u dhaxeysa Somaliland ilaa Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO