DHAGEYSO XASAASI:- Farmaajo oo si Kulul ula hadlay Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Jawaari

0

R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Haatan Dalka uu marayo.

Murashax Farmaajo oo Sanadkii Labaad doonaya inuu utartamo Jagada madaxtinimo ayaa waxa uu si kulul uga hadlay warar la isla dhexmarayey oo Cadeyntooda ay hayaan.

Maxamed Farmaajo ayaa Eedeyn kala dul dhacay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari kuna tilmaamay inay sameeyeen Awood ku takrifal ah.

Labada Mas’uul ayuu Farmaajo ku dhaleeceeyey in Xubin dheeri ah ku dareen Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya kuwaasi oo hore u ahaa 135 haatanse laga dhigay 136.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo iyo dhibaato ka dhalataa arintaasi ay dusha saaran doonaan Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Jawaari sida uu hadalka udhigay.

HALKAAN KA DHAGEYSO