DHAGEYSO XASAASI:- Nabadoonadii dhex dhexaadin jiray Galmudug iyo Puntland oo Colaad hurinaya

0

Gobolka Mudug Waa Meel ay Wada Dagaan Labo Maamul Waxana uu soo Maray Marxalada kala Duwan Taasi oo looga Gudbay Geed Wada Fadhiisi ay Sameeyeen Nabadoonada Labada Dhinac Hase Yeeshee Xaalka Hada Waa ka Duwan Yahay Sidii Hore.

Nabadoonada Heshiiska iyo Nabada Bulshada u Horseedi jiray Ayaa Maanta Colaad Hurinaya Waxana kamid ah Dadkaasi Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad oo Sheegay in Gaalkayco Shabaab aysan Qarxineen.

Yaasiin Ayaa ka Hadlay Arimo Badan iyo Xaalada Xiligan ka Taagan Gaalkayco isagoo Sheegay in Colaada Gaalkayco iyo Qaraxyaada aysan ka Danbeenin Kooxda Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ay Arintaasi ka Danbeeyaan Dad La Yaqaano kuwaasi oo Sida uu Sheegay aan Waxba laga Qaban isagoo intaasi ku Daray Xalka Sida loo Heli karo Aragti Ahaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO