DHAGEYSO XASAASI:- Shacabka oo Cadaalad daro ka tirsanaya Dowlada xiligeeda sii dhamaanayo

0

Cadaalad daro baahsan ayaa Shacabka Muqdisho ayaa waxay katirsanayaan Dawlada Soomaaliya ee xilligeeda sii dhamaanayo iyagoo ka hadlay Xaalada Haatan Dalka Marayo.

Qaar ka mid ah Dadyowga ku dhaqan Xamar oo Mikrafoonka lala dhex qaaday maanta ayaa waxay dareenkooda ka dhiibteen Marxalada Kala guurka ah Ee Dalka uu ku jiro.

Shacabka Muqdisho waxay sheegeen in Musuqa haatan soo if baxay uu yahay mid dhulka dhigay dhamaan Hay’adaha Dawlada Islamarkaana ay Doorashada uga faa’iideysanayaan xilligaan kala guurka ah lacagta la xaday.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe oo dhawaan war soo saaray waxa uu sheegay in Nus Milyan Dollar kabadan lagala baxay khasnada Bankiga oo lacag been abuur ahna lagu badelay,waxaana Xaalada Xamar lagu sifeeyey mid Jawi kale geli doonta oo la mid ah tii 1991-kii Dalka la geliyey.

HALKAAN KA DHAGEYSO