DHAGEYSO: Xiisad Dagaal oo ka taagan Gobolka Sool

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Puntland iyo Soomaaliland, kadib markii Guddiga Diiwaangelinta doorashooyinka Soomaaliland saakay ay bilaabeen sanaadiiqda codbixinta in ay geeyaan deegaanada Soomaaliland.

Waxaa la sheegay ciidanka Soomaaliland ee ku sugan deegaanka Qori-lugud in heegan buuxa la geliayay kadib markii halkaasi laga dareemay dhaq dhaqaaq oo ay wadaan ciidanka Puntland.

Waxaa sidoo kale la sheegay dadka ku nool deegaanka Wir-wir in gabi ahaanba ay ka soo horjeesteen sanaadiiqda codbixinta Guddiga Diiwaangelinta doorashooyinka Soomaaliland ay keeneen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadan ay tahay midii ugu sareysay ee maalmahan ka taagan deegaanada Gobolka Sool.