DHAGEYSO:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Dowladda ku eedeeyay Hal Arrin

0

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay sugidda amniga Dalka.

Wuxuu sheegay Dowladda in aysan xil iska saarin amniga dalka, taasina ay keento in Shabaab ay weeraro ka geystaan meelaha shacabka ay isugu yimaadaan iyo xarumaha Dowladda.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala ayaa sidoo kale wuxuu sheegay amni darada dalka ka jirta in ay qeyb ka tahay ciidanka oo aan la siin mushaarkooda oo ay xaqa u lahaayeen.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adaha Amniga ayuu ugu dambeyn ugu baaqay in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga dalka oo ay ka hortagaan weerarada Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Qarax lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka horee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas ku dhintay tiro ka badan 20 Qof halka in ka badan 30 Qof ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-