DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya iyo IGAD oo si Cad u sheegay in uu dib u furmayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Shir Saxaafadeed ay si wada jir ah u wada qabteen R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte , Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Raxmakan Maxamed XUseen Odawaa iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayey kaga hadleen dib u furmida Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/DHexe.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa xaqiijiyey in maalinta Sabtida ah oo ay taaariikhdu ku beegan tahay 03 September 2016 uu dib u furmayo Shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mjaxamed Cabdi Afeey ayaa dhinaciisa xusay in IGAD ay Dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii uu dib ugu furmi lahaa wajiga labaad SHirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Afeey ayaa intaa ku daray sin ay xalinyaan dhammaan tabashooyinka ergada ka qeyb galeysa shirkaasi , ayna ku dadaalayaan sidii meesha looga saari lahaa ereyga soo noq noqday ee ah looma dhama!.

Hoos ka Dhageyso Codka:-