Dowladda Ethiopia oo sheegtay in uu gabagabo marayo Biya xireen ay dhisaneyso

0

Masu’ul ka tirsan Dawladda Ethiopia ayaa maanta sheegay in meel gabagaba ah uu marayo biya xireen weyn,lana furi doono waqtigii loo xadiday oo ah bisha Jun ee Sanadka 2017ka.

Masuulku wuxuu intaa raaciyay in hawsha dhsimaha biya xireenkaasi ayan wax saameyn ah ku yeelan dooni wada hadalada Sddex geesoodka ah ee u socoda dalkiisa iyo wadamada Masar iyo Sudan,wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay warar uu sheegay inay isla dhex marayaan waarbaahinada qaarkood oo ah inay istaagtay hawsha dhismaha biya xireenkaasi.

Dhanka kale Agaasimaha cilaaqaadka guud ee Wasaaradda Biyaha iyo korontada ee Ethiopia ayaa Wakaaladda wararka Turkiga ANADOL u sheegay inay xukuumadiisu ka go’antahay dhameystirka mashruuca dhismaha biya xireenkaasi.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag gaadhaysa 4.7 billion oo doolaar, waxaana lagu wadaa in uu noqdo biya-xireenka ugu tamar dhalinta badan Africa.

Biya-xireenkan ayaa laga dhisyaa Gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yalla xuuduudda Ethiopia iyo Sudan.
Talaabadan ayaa walaac badan ku abuuraysa wadamada uu sii maro wabiga Niil gaar ahaan kuwa sida wayn ugu tiirsan oo kala ah Masar iyo Sudan.

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in biya xireenkan cusub uu dhalin doono tamarta korontada oo awooddeeda gaadhayso 6 kun oo megawatt, taasi oo ay Ethiopia sheegtay in ay u dhigmayso tamarta ay dhalin karaan lix warshadood oo Nukliyeer ah.

Ethiopia ayaa ka mid ah wadamada uu soo maro wabiga Nile oo ka soo bilaabma bartamaha Africa, kuna dhamaada badda cad ee Mediterraneanka, waxaana si wayn ugu tiirsan wadamada Masar iyo Sudan.