Dowladda Maraykanka oo Cambaareeysay weerarkii Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho

0

Maraykanka ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaaa oo ay ku Geeriyoodeen 9 Qof halka 3 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.

9-ka Qof ee weerarkaasi ku geeryootey ayaa la sheegay in ay isugu jireen dad shacab ah, Askarta Dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Warsaxaafadeed uu Maraykanku soo saaray ayuu weerarkaasi ku tilmaamay mid aan macno lahayn oo muujinaya arxan darada ururka Al-Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay Maraykanku in uu sii wadi doono la shaqeynta shacabka iyo ciidamada Qaranka Soomaaliya si dalka oo dhan ammaan looga dhigo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhamaan ay toogteen kooxihii gudaha u galay Maqaayada, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen ninkii waday Gaariga ku Qarxay iridka hore ee Maqaayada Banaadir Beach oo hada isbitaalka lagu dabiibayo kadibna ay su’aalo weydiin doonaan.

Xalay markuu weerarka bilaabanayay Maqaayada dad badan ayaa fadhiyay, Qaar ka mid ah dadkaas Daaqadaha ayey iska tuureen, halka qaar kalena ay darbiyada ka boodeen.