Dowladda Turkiga iyo Kurdiyiinta oo xabbad joojin sameeyay

0

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in Turkiga iyo xooggaga Kurdiyiinta ay ku heshiiyeen in ay joojiyaan dagaalka ku dhexmaraya waqooyiga Suuriya.

Korneyl John Thomas oo u hadlay taliska dhexe ee ciidanka Maraykanka, ayaa sheegay in heshiiska aanu cago badan ku taagneyn, balse uu rajeynayo in la adkeeyo.

Koox ka tirsan xooggaga Kurdiyiinta ayaa xaqiijisay jiritaanka xabbad joojinta, balse sarkaal Turkiga u hadlay ayaa ku tilmaamay hakad ay galiyeen howlgaladooda milateri.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhawaan sheegay in ciidankiisa ay la dagaallami doonaan dhammaan ururada uu ku tilmaamay argagixisada oo ay ku jiraan Kurdiyiinta.

Xukuumadda Washington ayaa ka walaacsan dagaalka dhexmaray labada dhinac oo ah xulafo uu Maraykanka leeyahay, waxaana ay ugu baaqday in ay xoogga saaraan dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.