FAAH FAAHIN:- Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Baay

0

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa Saaka ka dhacay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay Al-shabaab Weerar Culus ku qaadeen Degaanka Goof-gaduud oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaan weli la ogeyn inta uu le eg yahay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya kama hadlin Dagaalka Degaanka Goof-gaduud ay kula galeen dagaalameyaasha Xarakada Al-shabab.