Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Wariye lagu Xeray Magaalada Kismaayo

0

Ciidanka Nabad Sugidda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ku Xiray Wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf.

Wariye Jeylaani ayaa la sheegay in laga Xiray Hotelka Kismaayo Xilli uu uga qeyb galayay Tababar Wariyaasha Kismaayo loo furay.

Inkastoo aan la ogeyn Sababta ka dambeysa Xariga Wariye Jeylaani ayaa haddana aysan jirin Wax War ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Jubbaland.