Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerar Toos ah oo ka socda Maqaayad Caan ah oo ku taalla Xeebta Liido

0

Waxaa Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan Weerar toos ah oo weli ka soconayo gudaha Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha amaanka ee Dowladda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxda Weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen maqaayada welina ay ka dhex dagaalamayaan.

Wali waxaa la maqlayaa Rasaasta goobta ka dhacaysa waxaana Maqaayada ku hareereysan Ciidamadaa amaanka ee Dowladda.

Weli ma Cada khasaaraha ka dhashay Weerarka tooska ah ee soconayo.

la soco wixii soo kordha..