Faah Faahino ka soo baxaya dil Xalay ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

0

Rag ku hubeysnaa Qoryaha loo yaqaanno Ak 47 ayaa waxa ay dileen Tuulada Buulo Sheekh Abuukar ee u dhow deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelaha Hoose Nin rayid ahaa oo lagu Magacaabi jiray  Maxamed Yuusuf Cigaal.

Shoobto oo ah Xaaska Marxuumka la toogtay ahayd ayaa Warbaahinta u sheegtay in dilka Seygeeda uu yimid kadib markii Kooxo Hubeysan Hoygiisa oo ku yaalla Tuulada Buulo Sheekh Abuukar xoog ugu soo galeen ayna dileen.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ka taagan xiisado salka ku hayo aanooyin qabiil  ee ay u su geystaan Maleeshiyaad halkaas wada daga iyagoo mararka qaar dhibaateeya dadka rayidka ee aan waxba galabsan.