Faah faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay gobolka Sh/Hoose iyo Khasaaro ka dhashay

0

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay kadib Qarax Miino oo lagula eegtay deegaanka Buulomareer ee hoostaga Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa la xaqiijiyay in Dhaawacyadaasi ay soo gaareen Ciidamo xilli ay ku sugnaayeen Fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Buulomareer Ciidamada dowladdu lagula beegsaday Qarax Miino.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dhaawacmay lagu soo daabulay Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee la xiriira Qaraxaasi Miino uu khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada dowladda.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sii xoojiyay weerarada ka dhanka  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.