FAAHFAAHIN+SAWIRRO:- Dhul Gariir ku dhuftay Dalka Talyaaniga

0

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay dhul gariir xoogan oo saaka aroortii ku dhuftay dalka Talyaaniga, sida ay baahisay Warbaahinta dalkaasi Talyaaniga.

Dhul gariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2 Cabirka Dhul gariirada, waxaana uu geystay Khasaare isugu jiray bur bur dhismooyin guryo ah iyo geeri.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhismooyinka soo dumay dad ay ku hoos jiraan, iyadoo ay socoto gar gaarka loo fidinaayo dadka dhibaatada ay ka soo gaartay dhul gariirka.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 76-km u jirta bariga Magaalada Birojiya ee dalka Talyaaniga.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan bur burka dhismooyinka inay dad ku hoos jiraan, maadaama xilliga dhul gariirka uu dhacaayay saaka aroortii ay aheyd.

Hay’adaha gurmadka deg deg ah ayaa dhismooyinka hoostooda ka baaraya meydadka dad inay ku jiraan, si dadka halkaasi looga soo saaro.

1 2 3 4 5 6 7