Golaha Amaanka oo isku Qilaafsan Cunno Qabateeyn Dhinaca Hubka ah in lasaaro Siiriya

0

Baaqyo ku aadan in Cunno Qabateeyn DhinacaHubka ah la saaro Siiriya ayaa Soo ifbaxay kadib markii Kooxda Baaritaanadda ee QM ay ogaadeen in Ciidamadda Doowldda Siiriya ay Labo Jeer Isticmaaleen Hubka Kiimikadda ah intii Dagaalku uu kasocday Wadanka Siiriya.

Baarayaasha QM ayaa sidoo kale Helay Cadeeymmo muujinaya in Ururka Daacish ay iyaguna uguyaraan Hal Jeer ay isticmaaleen Gaaska Sunta ah.

Sikastaba Golaha Amaanka QM ayaa ku Guul Darreystay in ay  Ku HishiiyaanCunno Qabateeyn Dhinaca Hubka ah oo lasaaro Siiriya, Kadib markii Doowldda Ruushku ay Dalbatay Caddeymo lagu Keenay Baaritaanno Madaxbanaan.